477 Views

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo magaalada Addis Ababa kula kulmay madaxda dawladda Itoobiya qaarkood.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo magaalada Addis Ababa kula  kulmay madaxda dawladda Itoobiya qaarkood.
____________________________________________________________________________

Khamiis: July 14, 2022

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Itoobiya, gaar ahaana magaalada Addis Ababa ayaa la kulmay madaxda dawladda Itoobiya qaarkood.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa allbanaadir Online u xaqiijiyey in Madaxweyne Deni uu xalay saqdii dhexe la kulmay Raisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

Lama shaacin waxyaabaha looga hadlay kulankan balse warar soo baxaya waxay sheegayaan in lagu faaqiday Iskaashiga labada dhinac gaar ahaan Ammaanka iyo ganacsiga, waana markii koowaad ee ay is arkaan tan iyo imaanshihii Abiy ee xukunka 2018-kii.

Deni ayaa marar badan isku dayay inay is arkaan RW Abiy Ahmed haddana uma suuragalin

Madaxweyne Deni ayaa Sidoo kale maanta la kulmay wasiiradda Wasaaraddaha Ganacsiga, Caafimaadka, Gaashaandhiga, Taliyayaasha ciidamada Itoobiya, gaar ahaana Nabadsugida & Difaaca oo ay ka wada hadleen iskaashiga labada dhinac.

RW Abiy Ahmed ayaa markii uu talada Itoobiya waxaa uu joojiyey in dowladiisa ay la macaamisho madaxda maamul goboleedyada ka jira Somalia, isagoo sheegayn in wixii Somalia la xiriira ay kala hadlayaan oo kaliya DF,  waxaana aad hoos ugu dhacay faragelintii ay dowlada Itoobiya ka heysay Somalia inkastoo aan meesha ka wada bixin. lamana oga waxaa haatan dib u soo celiyey la macaamilka Itoobiya ee madaxda dowlad goboleedyada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post