2301 Views

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Oo Shir Uga Qeyb Galaya Dalka Qatar(Sawiro)

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Oo Shir Uga Qeyb Galaya Dalka Qatar(Sawiro)
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 28  2018  –Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac(Bashiir Goobe) iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa gaaray Magaalada Doxa ee Wadanka Qatar.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Qatar ayaa Taliyaha ku soo dhaweeyay halkaas,waxana uu shegay in uu dalka Qatar uga qeyb galayo shir lagu casuumay.

“Aniga iyo Wafdi aan hoggaaminayo Waxaan soo gaarnay Magaaladda Doha ee Dalka Qatar oo aan kaga qeyb gali doonno Shirweyne nalagu Casuumay,Waxaan u mahad celinayaa Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Dalkaan oo kaalin weyn ka qaatay soo dhoweynta naloo sameeyey.

Taliyaha weli wax faah faahin dheeraad ah kama uusan bixin wax looga hadli doono shirka lagu casuumay ee uu uga qeyb geli doono dalka Qatar.

Hoos Ka Daawo Sawirrada.

b2 b3 b4 n1

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment