210 Views

shirka dib u heshiisiinta oo u dhexeeyey madaxda Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed iyo qaar ka tirsan Siyaasiyiinta oo galay malinti labaad

shirka dib u heshiisiinta oo u dhexeeyey madaxda Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed iyo qaar ka tirsan Siyaasiyiinta oo galay malinti labaad
____________________________________________________________________________

Arbaco: January 18 2023

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa Maalintii labaad ka soconaya shirka dib u heshiisiinta oo u dhexeeyey madaxda Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed iyo qaar ka tirsan Siyaasiyiinta ka soo jeeda maamulkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo furitaankii shirka ka hadlay ayaa ku booriyay dadka reer Koonfur Galbeed, in wax walba oo dhaxdooda ah ay ku dhameyaan wada-hadal.

Shirka ayaa laga bilaaba maanta noqonaya mid sigaar ah ay ugu wada hadlayaan dadka Reer Koonfur Galbeed si xal looga gaaro khilaafkii u dhaxeeya siyaasiyiinta maamulka Koonfur Galbeed.

Furutaankii shirka ayuu Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kaga hadlay inuu ku kalsoon yahay miro-dhalka wada-hadallada iyo sida ay uga go’an tahay dhammaan reer Koonfur-galbeed in ay xalliyaan tabashooyinka siyaasadeed ee ay isu qabaan, si ay u dardar geliyaan xoreynta deegaannada ay argagixisadu ku dhibaateynayso dadka Soomaaliyeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post