3996 Views

Michael Keating oo ka hadlay Shirka London

Michael Keating oo ka hadlay Shirka London
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 9, 2017 – Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa sheegay in Ujeedada shirka London ay tahay in dowladda cusub ee Soomaaliya la siiyo fursad ay ku soo bandhigto waxyaabaha mudnaanta u leh iyo in laga wad-hadlo iskaashiga dhaxmaraya dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Keating oo wareysi siiyey barnaamijka Tubta Nabadda, ayaa sheegay in inkastoo ka jawaabista abaarta ay tahay ahmiyad weyn xilligan, hadana shirka looga hadli doono maalin-galin lagu sameeyo dhaqaalaha Soomaaliya si aysan mar dambe u dhicin abaar weyn. Waxa uu sidoo kale sheegay shirka looga hadlayo qaab dhismeedka mustaqbal ee ciidamada amniga dalka yeelanayo.

Michael Keating waxa uu sheegay in shirka sidoo kale looga hadlayo heshiisyada dhaxmaray dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, sida awood qaybsiga, canshuuraha, qaybsiga daqliga iyo kheyraadka dalka uu leeyahay iyo sidoo kale sidii lagu gaari lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Ergayga Qaramada Midoobay, waxa uu sheegay in heshiiska iyo qaab dhismeedka hay’adaha amniga ay muhiimad gaar ah leeyihiin, si loo helo ciidamo boolis, meleteri iyo sirdoon dalka oo dhan ah, qof walbana uu aamin karo. Waxa uu xusay in qaab dhismeedka amniga uu hoosta ka xariiqayo xiriirka dhinaca Amniga ee ka dhaxeeya Dowladda federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada.

Ergayga gaarka ah, ayaa wareysiga uu siiyey barnamaijka Tubta NABADDA, waxa uu ku sheegay in Madaxweynaha dowladda federaalka ah uu yahay hoggaamiyaha qaranka Soomaaliya balse uu ku faraxsan yahay in madaxweynayaasha dowlad goboleedyada lagu martiqaaday shirka London, taasina ay tahay arrin aad u muhiim ah.

Michael Keatinga, ayaa hoosta ka xariiqay in shirka magaalada London sidoo kale looga hadli doono qaabka loo wajahayo baahida ah dib u eegis lagu sameeyo dastuurka dalka, si si dhab ah loogu qeexo waxa uu noqonayo xiriirka ka dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka.

.

.

____________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment