1107 Views

Maamulka K/Galbeed oo sheegay inay dileen Xubno Shabaab oo Miino Aasayay

Maamulka K/Galbeed oo sheegay inay dileen Xubno Shabaab oo Miino Aasayay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 05, 2021–Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa howlgallo qorsheysan oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay.

Saraakiisha howlgalka hoggamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedka hwlgalkooda uu ahaa sidii ay uga hortegi lahaayeen weerarada Al-Shabaab iyo qaraxyada ay geystaan.

Guddoomiye ku xigenka amniga iyo siyaasada ee Degmada Qansaxdheere Maxamed Mukhtaar Cabdi oo lahadlay Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in Ciidanka Daraawiishta ay dileen laba Sarkaal oo doonayay iney ku Aasaan miino.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalka ay Ciidamada Al-Shabaab kaga furteen qori AK 47 ah iyo Baastoolad, hawlgakuna uu ku dhamaaday sidii loo qorsheeyay , isla markaana aysan wax khasaaro ah soo gaarin dadka Shacabka ah.

Ugud ambeyn Guddoomiye ku xigenka amniga iyo siyaasada ee Degmada Qansaxdheere Maxamed Mukhtaar Cabdi waxaa uu sheegay in Goobta ay howlgalka Ciidamada ka gliyeen laga soo abaabuli jiray weerarada Al-Shabaab iyo qaraxyada, isla markaana howlgalka ay si wadi doonaan.

Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Al-Shabaab kadib markii Shabaab ay weerareen Saldhigyada Ciidamada.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post