513 Views

Barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko oo qoys ku nool magaalada Mombasa

Barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko oo  qoys ku nool magaalada Mombasa
____________________________________________________________________________


Axad: May 8, 2022

Barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, Mike Sonko, ayaa qoys ku nool magaalada Mombasa waxay ku eedeeyeen inuu arimo siyaasadeed u isticmaalay qabriga hooyadood oo geeriyootay kuna aasan qabuuraha Kikowani.

Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada, ayaa qoyska waxay ku sheegeen inuu siyaasiga tagay qabrigii hooyadood, iyaga oo cadeeyey in qabrigaas uusan ahayn qabriga hooyadiis sida uu ku andocooday Mike Sonko.

“Waa arrin murugo iyo xanuun badan in Sonko uu halkan yimaado oo uu ku andacoodo in kani yahay qabrigii hooyadiis.” Ayuu yiri nin u hadlay qoyska.

Sonko ayaa waxa uu hadda u sharraxanyahay xilka barasaabka Mombasa ee tigidhka xisbiga Wiper.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post