687 Views

Gen Odowaa oo ka hadlay hawlgal ay Ciidamada ka sameeyeen Shabeellada dhexe.

Gen  Odowaa oo  ka hadlay hawlgal ay Ciidamada  ka  sameeyeen Shabeellada dhexe.
____________________________________________________________________________

May 29 2021

Taliska Milatariga dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hadlay hawlgal ciidan oo ay saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe.

Taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya Gen. Odowaa Yuusuf Raage, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Ciidamadu ay jab ku gaarsiiyeen Al-shabaab hawlgal ka dhacay tuulooyinka War-Ciise iyo Gal-labashiir ee Gobolka Shabeellada dhexe

Gen. Odowaa ayaa tilmaamay in hawgalkaas lagu dilay in ka badan 15 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, halka kuwa kalena lagu dhaawacay sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in Ciidamadu ay burburiyeen xarumo Ciidan oo Al-shabaab ku lahaayeen tuulooyinka War-Ciise iyo Gal-labashiir ee Gobolka Shabeelada dhexe.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post