1083 Views

Maamulka Gobolka Banaadir oo taageero dalbaday

Maamulka Gobolka Banaadir oo taageero dalbaday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 27-2019 —Waaxda Caafimaadka Dawladda Hoose ee Xamar ayaa Daryeel Caafimaad u sameysay Caruurta Agoonta Booliska Soomaaliyeed.

 

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) oo kormeeray qeybaha xarunta caruurta agoonta ah ayaa warbixin la xiriirta xaaladdooda ka dhageystay Taliyaha xarunta barbaarinta caruurta agoonta S/G Cali Xirsi Barre (Cali Gaab), isagoo uga mahadceliyey taageerada ay siinayaan agoonta booliska.

 

Guddoomiyaha ayaa xusay in agoontu ay u baahan yihiin taageero iyo garab istaag, isla markaana uu Maamulka Gobolka Banaadir mar walba diyaar u yahay sidii ay caruurta ku nool Caasimadda, gaar ahaan kuwa agoonta ah u heli lahaayeen daryeel wanaagsan.

 

“Mamulka Gobolka Banaadir waxuu mar walba u taagan yahay gacan siinta bulshada Caasimadda, gaar ahaan waxaan xil gaar ah iska saaraynaa agoonta oo xiligan u baahan daryeel, gaar ahaan Waxbarasho iyo bar-baarin wanaagsan”.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku weheliyey kormeerka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, ku-xigeenadiisa iyo masuuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment