456 Views

Agasimaha Guud ee Wasaaradda Gadiidka oo kormeerey xarunta Dugsiyada lagu barto Wadista Gaadiidka

Agasimaha Guud ee Wasaaradda Gadiidka oo kormeerey xarunta Dugsiyada lagu barto Wadista Gaadiidka
____________________________________________________________________________

Sabti: June 25, 2022

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Gacal Gaabow iyo Taliyaha Qeybta Nabadgelyada Wadooyinka ee Taraafiko Genaral  Bishaar Abshir Geedi iyo Hawl wadeenada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa maanta kormeerey xarunta guud ee Dalada Isku xirka Dugsiyada lagu Barto Wadista Gaadiidka iyo Qeybta Imtixaanka Driver laysinka.

Mas’uuliyiintan ayaa qeyb qeyb u booqdey xaruntan isla markaana u kuur galay Hawlaha shaqo iyo Adeegyada Bulshada Soomaaliyeed loogu qabto,  waxayna ku booriyeen in hawlaha shaqo ee bulshada loo hayo lagu saleeyo Cadaalad iyo Sinaan, isla markaana la ilaaliyo shuruucda dalka u degsan oo aan lagu xadgudbin muwaadiniinta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post