936 Views

Waa kuma Barkhad Jaamac Batuun shaqsiga Gil gilay Doorashada Somaliland?

Waa kuma Barkhad Jaamac Batuun shaqsiga Gil gilay Doorashada  Somaliland?
____________________________________________________________________________

June 7 2021

Barkhad Jaamac Batuun oo matalaya beelaha la haybsooco ayaa kusoo baxay codkii ugu badnaa ee lagu doorto xubin golaha wakiillada Somaliland, wuxuu helay codad gaarayo 20,231.

Barkhad Batuun wuxuu kamid ahaa musharraxiintii sida weyn uga soo dhex muuqaday ololaha doorashada Somaliland.

Wuxuu ku caanbaxay ‘astaanta cagaf-cagafta’ taas oo uu ku sheegay in uu ku jeexayo dhabaha caddaaladda.

Wuxuu kamid ahaa dhalinyarada reer Somaliland ee aadka u firfircoon oo ay ka go’aneyd waxbarashada.

Markii uu ololahiisa ku jiray wuxuu sheegay in haddii la doorto uu ka qeyb qaadan doono ansixinta xeerar cusub oo taabanaya nolosha dadweynaha.

Ninkan ayaa si weyn looga hadal hayay baraha bulshada tan iyo markii ay Somaliland ka billaabatay ololaha doorashada.

Waa kuma Barkhad Jaamac Batuun?

 

Wuxuu ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Hargeysa.

Wuxuu shahaadada koowaad ee sharciga ka qaatay jaamacadda Hargeysa.

Wuxuu shahaadada labaad ka qaatay jaamacadda Gollis isaga oo ku takhasusay maamulka guud iyo maareynta.

Wuxuu sidoo kale shahaadada labaad ee cilmiga maamul wanaaga iyo hoggaanka ka qaatay jaamacadda Hargeysa.

Wuxuu kamid ah saraakiisha sar sare ee xisbiga Waddani.

Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa shaaciyay natiijada hordhaca ah ee goleyaasha deegaanka iyo midka wakiillada ee gobolka Maroodijeex.

Waxaa codadkii ugu badnaa ee uu musharrax helay ku soo baxay Cabdikariin Axmed Mooge oo u tartamayay golaha deegaanka ee magaalada Hargeysa, halka Barkhad Jaamac Batuun oo matalaya beelaha la haybsooco uu isna ku soo baxay codkii ugu badnaa ee lagu doorto xubin golaha wakiillada Somaliland ka tirsan.

Guud ahaan liiska xubnaha soo baxay ee golaha wakiillada ayaa waxaa ku jira laba haween oo kaliya.

Xubnaha 17-ka ka kooban ee loogu tartamayay doorashooyinka golaha deegaanka Hargeysa ayaa xisbiga Ucid wuxuu helay afar, Kulmiye wuxuu helay lix xubnooda, halka xisbiga kale ee Waddani uu helay toddoba xubnood.

Golaha wakiillada ee deegaanka Maroodijeex oo ay ku tartamayeen 20ka xubnood ayay xisbiga Ucid wuxuu helay shan xubnood, Kulmiye siddeed xubnood, halka Waddani uu helay toddoba xubnood.

Labo haween ahaa oo u kala tartamayay labada xisbi mucaarad oo aad loo filayay inay ku soo baxaan doorashooyinkan ayaan ka dhex muuqan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post