720 Views

Daalibaan oo ku gacan sayrtay in la kordhiyo mudadii loo qabtay in ciidamada reer galbeedku ka baxaan Afghanistan.

Daalibaan oo ku gacan sayrtay  in la kordhiyo mudadii loo qabtay in ciidamada reer galbeedku ka  baxaan Afghanistan.
____________________________________________________________________________


Isniin: August 23, 2021 

Daalibaan ayaa sheegtay in aanay ogolaanayn in la kordhiyo mudadii loo qabtay in ciidamada reer galbeedku kaga baxaan Afghanistan.

Af-hayeenka ururkaas ayaa sheegay in 31 Ogost tahay khad cas oon la dhaafi karin. Wuxuu sheegay in Madaxweyne Biden hore u sheegay in ciidamadu ka wada bixi doonaan dalka marka la gaadho taariikhdaas, isla markaana hadii mudada loo kordhiyo ay ka dhigan tahay in la sii dheeraynayo haysashada Afghanistan.

Waraysi uu BBC-da siiyey ayuu Suhail Shaheen ku sheegay in dagaalyahannadoodu ay fadhiyaan kaabiga madaarka Kabul si ay uga hortagaan weerarrada ay soo qaadi karaan kooxda la baxday dawladda Islaamka sidoo kalena aanay doonayn in ay joojiyaan dadka doonaya inay ka baxaan dalka.

Hase yeeshee wuxuu se sheegay in Daaliban doonayso in ay dadku joogaan oo ay gacan ka geystaan dib u dhiska dalka oo aanay jirin wax ku kallifaya in ay halis geliyaan naftooda iyo hantidooba.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post