771 Views

Amanatullah Khan oo xildhibaan muslim ah oo ka tirsan baarlamaanka Hindiya oo dacwad ka gudbiyay macbad ku yaalla dalkaas.

Amanatullah Khan oo xildhibaan muslim ah oo ka tirsan baarlamaanka Hindiya oo  dacwad ka gudbiyay macbad ku yaalla dalkaas.
____________________________________________________________________________

April 6, 2021  

Amanatullah Khan oo xildhibaan muslim ah oo ka tirsan baarlamaanka Hindiya ayaa dacwad ka gudbiyay macbad ku yaalla dalkaas.

Wuxuu ku eedeeyay macbadka in uu aflagaadeeyay diinta Islaamka iyo in uu wax ka sheegay Rasuulka (N.N.K.H.H), sida uu ku warramayo wargeyska Hindu.

Wuxuu intaas ku daray in muuqaalka laga soo duubay baadariga maamulo macbadka ee wax ka sheegay diinta islaamka in uu ku baahay baraha bulshada.

“Waxaan ahay qof muslim ah oo raacayo mabaadii’da Islaamka”

Wuxuu dacwaddiisa ku sheegay in baadariga uu adeegsaday hadallo anshax xumo ah oo aflagaadeyn ah.

Afhayeen u hadlay booliska Delhi ayaa sheegay in dacwadda ay diiwaangeliyeen ils markaana ay bilaabeen baaritaanno ku saabsan arrintaas.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post