336 Views

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay odayaasha dhaqanka Puntland

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay odayaasha dhaqanka Puntland
____________________________________________________________________________

Isniin: AUGUST 29, 2022

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo beryahanba ku sugnaa magaalada Garoowe, ee xarunta maamul goboleedka Puntland, ayaa xaley la kulmay qaar katirsan madaxda isimada dhaqanka.

Waxey ka wada hadleen arrimo la xiriira nabadeynta, iyo sidii loo xoojin lahaa hannaanka dowladnimada.

Isimada Puntland, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh, u sheegay inuu ku dadaalo dhameystirka dastuurka qabyada ah, iyo hey’adaha kale ee dowladda.

Waa maalintii shanaad ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku sugan yahay halkaasi, wuxuu kulamo iyo shirar la yeeshay madaxda Puntland

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post