903 Views

Puntland oo soo saartay Go’aamo la xiriira Maalmaha Ciida

Puntland oo soo saartay Go’aamo la xiriira Maalmaha Ciida
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 21 2020 – Dowlad goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay Go’aano la xiriira Maalmaha ciida ee nagu soo fool leh si looga hortaggo Cudurka COVID-19 oo kiisas kamid ah laga helay deegaannada Puntland.

Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Puntland Cawil Sheikh Xaamud Maxamed, oo Warbaahinta la hadlay ayaa ku dhawaaqay in Puntland joojisay isu soo bixii iyo in Goob fagaaro ah lagu dukado Salaada Ciida si looga taxadaro Cudurka Coronavirus.
Waxaa uu sheegay Wasiirka in ay Go’aamiyeen in qof walba uu Gurigiisa ku dakado salaada ciida sidoo kalena ku Ciido,isla markaana la joojiyey salaadaha lagu dukado Masaajid iyo Goobaha fagaarayaasha ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wixii ka dambeeya Maalmaha ciida dib loo furi doono Dugsiyada Qur’aanka Kariimka,kuwaas oo horay loo xiray,akdib duruufo dhaqaalo oo soo wajahay Macalimiinta Dugsiyada Qur’aanka.

Macalimiinta Dugsiyada Qur’aanka deegaannada Puntland ayuu ugu baaqay inay raacaan tallooyinka Wasaaradda Caafimaadka Puntland si looga hortagoo COVID-19,isla markaana ay xadidaan Ardayda Dugsiyada Qur’aanka.

Puntland ayaa horay u soo saartay go’aamo Cusub oo ay qeyb ka ahaayeen joojinta jaadka walow markii dambe la fasaxay iyo sidii kale in la joojiyey isku socodka dadka iyo Gaadiidka,balse maalmahaan la qafiifiyay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment