915 Views

Sarkaal sare iyo dhowr kale oo lagu dilay dagaal ka dhacay Galmudug

Sarkaal sare iyo dhowr kale oo lagu dilay dagaal ka dhacay Galmudug
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 17, 2021 —Wararka laga helayo deegaanka Shabeellow ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada daraawiishta Galmudug iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka deegaanka.

Dadka deegaanka qaarkoid ayaa Warbaahinta u sheegay in Al-Shabaab ay duulaan ku qaadeen fariisin ay ciidamada daraawiishta Galmudug ku laahaeyeen deegaanka

Saraakiil ka tirsan ciidamada daraawiishta Galmudug ayaa sheegay in ay iska caabiyeen kooxdii soo weerartay

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay dagaalkaasi  shan askari, 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhintay waxaa kamid ah  Gaashaanle Maxamed Cali Salaad oo ka mid ahaa saraakiisha daraawiishta Galmudug, sidoo kalena dagaalka lagu gubay gaari dagaal.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post