903 Views

Maxkamad 72 sano kadib go’aan ka gaartay rag lagu nabay kufsi

Maxkamad 72 sano kadib go’aan ka gaartay rag lagu nabay kufsi
____________________________________________________________________________

Talaado: November 23, 2021

Afar nin madow ah oo lagu nabay inay kufsadeen gabar caddaan ah gudaha dalka Mareykanka ayaa laga berry yeelay eedeymihii loo heystay kadib in ka badan 70 sano oo kasoo wareegtay xilliggii dacwadda lagu soo oogay.

Waxaana raggan lagu eedeeyay inay qafaasheen isla markaana kufsadeen gabadh xilli ay ku sugneyd degmada Groveland ee gobolka Florida sanadkii 1949.

Charles Greenlee, Walter Irvin, Samuel Shepherd iyo Ernest Thomas ayaa waxaa sanadkii 2019 cafis u fidisay maxkamad ku taalla gobolka Florida.

Raggan markii loo xirayay falkan waxaa da’dooda lagu qiyaasay 16 ilaa 26.

Kadib falka lagu eedeeyay Ernest Thomas waxaa kusoo qaaday rag gaarayay 1000, kuwaas oo rasaas oodda uga qaaday ninkan.

Saddex qof ee kalena jirddil ayaa loo geystay intii ay ku jireen gacanta booliska ka hor inta aysan xukunka ku rideen garsoorayaal dhammaantood caddaan ahaa.

Samuel Shepherd ayaa markii dambe la toogtay xilli uu ku wajahnaa maxkamadda si dib loogu dhageysto kiiska.

Walter Irvin, wuxuu ka badbaaday daldalaad sanadkii 1954, waxaana lasii daayay isaga oo aanan xukunkii lagu riday aanan dhameysan, 1969 ayuu dhintay.

Halka Charles Greenlee, markii hore lagu xukumay xabsi daa’in, waxaana lasii daayay isaga aanan dhameysan xukunka sanadki 1962, wuxuu geeryooday 2012.

 

 

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post