693 Views

Dowladda Soomaaliya oo xabsiga dhigtay Saraakiil & Askar dhowr ah

Dowladda Soomaaliya oo xabsiga dhigtay Saraakiil & Askar dhowr ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 09, 2021—Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa ka hadlay waxyaabaha u qabsoomay Ciidamada booliska Soomaaliyed sanadkii tegay ee 2020.

Taliye xijaar waxaa uu sheegay in Ciidamada Booliska ku guuleysteen sugida amniga dalka gaar ahaan Muqdisho, Ciidamo cusub ay kusoo biireen Ciidamada iyo in wadooyinka qaar ee Muqdisho la furay lana dhigay Ciidamo suga Amniga.

Waxaa uu taliyaha soo hadal qaaday Ciidamada oo mararka qaar dhibaateeya Shacabka, waxaana uu sheegay in ay Xabsiga dhigeen 15 askari oo dadka Shacabka ah ay dacwad ka keeneen.

Waxaa uu sheegay in tallaabadaaas ay uga gol leeyihin inay yaraadaan dhibaatada ay ka tabanayaan Ciidamada, isla markaana aya rajey nayaan inay ku guuleystaan.

Hadalkaan ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar waxaa uu ka sheegay Xafladda Maamuuska Saraakiisha u Dalacday Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post