1332 Views

Madaxweynaha Soomaaliland oo safarkii Saddexaad ugu duulay Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Soomaaliland oo safarkii Saddexaad ugu duulay Imaaraadka Carabta
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 18, 2019 –Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu safarkii Saddexaad tan iyo markii la doortay Maanta oo Khamiis ah ugu ambabaxay Wadanka isutaga Imaaraadka Carabta.

Safarkaan oo aan horay loo sii shaacin ayaa waxaa qeyb ka ah xubno ka tirsan Golaha Wasiirada soomaaliland, iyada oo Madaxtooyada Soomaaliland aysan weli wax war ah kama soo saarin safarka Muuse Biixi ee Imaaraadka

Lix safar oo uu  dibadda ugu dhoofay tan iyo markii uu xilka qabtay, waxaa uu saddex ka mid ah safarradaasi ku tagey dalka Imaaraadka carabta.

Xiriirka Soomaaliland iyo Imaaraadka Carabta ayaa bilihii u dambeysay wanaagsanaa tan iyo markii Imaaraadka lagu wareejiyey dekadda Berbera,waxaana safarkaan kii ka horeeyey Imaaraadka loogu soo dhaweeyey si aan caadi aheyn.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment