594 Views

Ciidamada GorGor oo Gubay Doon ay Alshabaab Lahayeen

Ciidamada GorGor oo Gubay Doon ay Alshabaab Lahayeen
____________________________________________________________________________

Khamiis:May 26,. 2022

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ay howlgal ballaaran ka sameeyeen nawaaxiga deegaanka Bariire, gaar ahaan tuulooyinka Tawakal iyo Balow.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka fuliya halkaasi.

Taliyaha ururka 7-aad, guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Maxamed Sheekh oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkan ay ku gubeen Doon ay Al-Shabaab isaga kala gudbi jireen tuulooyinka Bariire hoostaga, sidoo kalana ay ku raran jireen lacagaha iyo wixii kale ay shacabka ka qaadaan, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxaa howlgalkan qayb ka ahaa Gudoomiyaha deegaanka Bariire kaas oo farriin u diray shacabka, kana codsaday inay la shaqeeyaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha ayaa dhankooda xusay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay ka saari doonaan deegaanada ay heystaan.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post