498 Views

Nin iska diiday dalabyo shaqo oo ay u soo jeediyeen shirkadaha Google iyo Amazon oo aqbalay dalabka shirkad kale oo caan ah

Nin iska diiday dalabyo shaqo oo ay u soo jeediyeen shirkadaha Google iyo Amazon oo aqbalay dalabka shirkad kale oo caan ah
____________________________________________________________________________

Talaado: June 28, 2022

Bisakh Mondal oo ah arday wax ka barta jaamacada Jadavpur ee gobolka Bengal ee galbeedka India ayaa shaqo ka helay Facebook, kadib markii uu iska diiday dalabyo in uu nala shaqeeyo ay usoo jdiyeen shirkadaha Amazon iyo Google .

“Waxaan ku biiri doonaa Facebook bisha Sebtembar, ka hor inta aanan aqbalin shaqadan, waxaan ka helay dalabyo {shirkadaha} Google iyo Amazon. Waxaan aminsanahay in doorashada Facebook ay noqon doonto tan ugu fiican maadaama xirmada mushaharka ay bixiyaan uu yahay mid sare,” Mondal ayaa sidaasi u sheegay Warbaahinta India ..

Bisakh waa arday haatan kujiro sannadka afaraad ee koorsada Sayniska Kombiyuutarka iyo Injineerinka ee Jaamacadda Jadavpur.

Mondal ayaa lafilayaa in uu ku biirayo Facebook bisha Sebtembar ee soosocota.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post