942 Views

Sheikh Fu’aad oo kamid ah Culimaa’udiinka Puntland oo ka jawaabay Diidmada gudniinka gabdhaha

Sheikh Fu’aad oo kamid ah Culimaa’udiinka Puntland oo ka jawaabay Diidmada  gudniinka gabdhaha
____________________________________________________________________________

Arbaco : June 23 2021

Sheikh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur, oo kamid ah Culimaa’udiinka ka horyimid xeerka Puntland ku mamnuucday gudniinka gabdhaha, ayaa jawaab ka bixiyay warkii shalay ka soo yeeray dowladda.

Sheikh Fu’aad ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay, eedaynta ka timid wasiirka Caddaalada Puntland, oo ku saabsan in culimadu ay siyaasad ahaan u diiddan yihiin go’aanka xukuumadda.

Wadaadka ayaa sheegay in muranka taagan xeerka gudniinka gabdhaha, uu soo bilowday wakhtigii xukuumaddii Cabdiraxmaan Faroole, sidaas darteedna uusan ahayn siyaasad ka dhan ah xukuumadda Deni.

Sidoo kale, wuxu hoosta ka xarriiqay in aysan jirin colaad ka dhexaysa xukuumadda madaxweyne Deni iyo culimaa’udiinka, balse murankaas ku koobanyahay xeerka lagu mamnuucay gudniinka gabdhaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post