1371 Views

Daawo Muqaalka madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaali Mustafe Muxumed Cagjar oo ka sheegay shirkii Heritage in Somaliya

Daawo Muqaalka madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaali Mustafe Muxumed Cagjar oo ka sheegay shirkii Heritage in Somaliya
____________________________________________________________________________


Isniin: December 13, 2021

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaali Galbeed Mustafe Muxumed Cumar Cagjar oo dalka Jabuuti uga qeyb galay Shirka Madasha Aragti-Wadaagga ee Machadka Heritage ayaa si qota dheer uga hadlay arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Madaxweyne Cagjar ayaa sheegay in laga haboon yahay in dadka Soomaaliyeed ee mucaaradka ku ah Madaxweyne Farmaajo ay la coloobaan Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo Farmaajo saaxiib la ah.

waxa uu ku sheegay in Soomaaliya ay ka nabad gashay faro-gelintii Itoobiya intii uu xukunka joogay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo sidoo kale hadda dagaal kula jira kooxdii Soomaaliya kala qeybineysay mudo 27 sano ah ee TPLF.

Sidoo kale Waxa uu sheegay Cagjar in Somalida uu aad u soo dhaweeyay Aby, waxa uuna sheegay in xiligii hore Soomaaliya la keeni jiray Hub ay soo dhiibaan TPLF, si soomaalida iskugu layso.

Waxa kale oo uu sheegay in ay Ciidamada Itobiya soo gali jireen Somaliya oo aysan jirin Xuduud kala Qaybisa Somaliya iyo Itobiya.

Sidoo kale Madaxweyne Mustafe waxa uu qiray in hadii ay yihiin Soomaalida hoos tagta Itoobiya ay dhibaato badan u geysan jireen dadka kale ee Soomaaliyeed, isagoo taas u tiiriyey xukunkii hore ee Itoobiya ka jiray.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post