1083 Views

Ra’iisul Wasaare Kheyre “Mowqifka dowladda waa in la dhamaystiraa Hey’adaha dowladeed ee Galmudug”

Ra’iisul Wasaare Kheyre “Mowqifka dowladda waa in la dhamaystiraa Hey’adaha dowladeed ee Galmudug”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 27, 2019—Ra’iisul Wasaaraha Soonaaliya Xasan Cali Kheyre oo galabta meel fagaara ah kula hadlay bulshada magaalada Cadaado ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay in la dhammeystiro hay’adaha dowladeed ee maamulka Galmudug.

Mr Kheyre ayaa khudbaddiisa ku sheegay in uu Cadaado u yimid in uu la kulmo waxqaradka iyo maamulka, waxaana uu caddeeyay in dadaalka ay dowladdu bixinayso si buuxda loogu taageerayo dadka reer Galmudug oo iyagu leh go’aanka ugu dambeeya ee laga gaarayo mustaqbalka iyo aayaha maamulka ay doonayaan in uu u adeego.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladdu ay gacan ka gaysaneyso qabashada dooraasho Galmudug oo xor iyo xalaal ah taas oo dhabbaha u xaareysa ka shaqaynta danaha iyo mustaqbalka reer Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo habeenkii sedaxaad Galmudug ku jooga socdaal shaqo ayaa maanta socdaal dhulka ah oo uu uga soo baxay Dhuusamareeb waxa uu kusoo gaaray Cadaado isaga oo tuulooyinka iyo magaalooyinka uu socodka kusoo maray kula soo kulmay bulshada qaybaheeda kala duwan oo farxad kusoo dhaweeysay wafdiga uu hoggaaminayo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment