513 Views

xisbiga midigta fog ee Faransiisa oo sheegay in Muslimiinta ku nool dalka Faransiiska “looga baahanyahay in ay ku milmaan dadka kale

xisbiga midigta fog ee Faransiisa oo sheegay in Muslimiinta ku nool dalka Faransiiska “looga baahanyahay in ay ku milmaan dadka kale
____________________________________________________________________________

Sabti: December 4, 2021

 Hoggaamiyaha xisbiga midigta fog ee Faransiisa ahna musharax madaxweyne Eric Zemmour, ayaa sheegay in Muslimiinta ku nool dalka Faransiiska “looga baahanyahay in ay ku milmaan dadka kale haddii ay doonayaan in ay dalka ku noolaadaan.”

Zemmour ayaa ku dooday in Muslimiinta Faransiisku looga baahanyahay inay “ka tanaasulaan” ku dhaqanka diinta. Sidoo kale waxa uu ku dhawaaqay hadallo aad u kala qaybiyay dadka oo leh aragtiyo ku saabsan aqoonsiga dadka Muslimiinta, soogalootiga, dadka Madowga ah, iyo kuwa kale ee laga tirada badan yahay.

Dhanka kale ninkaan ayaa horay looga qaaday tallaabo sharci ah ka dib markii uu soo jeediyay hadallo cunsurinimo ah iyo kuwa la xirriira nacaybka diimaha, 2010-kii ayaa lagu riday xukun ka dib markii uu sheegay in dadka daroogada ka ganacsada ay u badan yihiin “Madow iyo Carab.”

Bishii Sebtembar 2019-kii, waxaa lagu ganaaxay lacag gaaraysa €3,000 ($3,500) kadib markii uu aflagaado naceyb ah uu u geystay muslimiinta dalkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post