1044 Views

Haweeneey 90 sano jir ah oo laga dhacay lacag gaaraysa HK250 milyan oo lacagta Hong kong ah una dhiganta $32m oo dollar.

Haweeneey 90 sano jir ah oo  laga dhacay lacag gaaraysa HK250 milyan oo lacagta Hong kong ah una dhiganta $32m oo dollar.
____________________________________________________________________________

April 22, 2021

Haweeneey 90 sano jir ah oo ka soo jeeda Hong Kong ayaa laga dhacay lacag gaaraysa HK250 milyan oo lacagta Hong kong ah una dhiganta $32m oo dollar. Arrintan waxaa soo maleegay rag burcad ah oo iska dhigay in ay yihiin saraakiil Shiineys ah, waxaa sidaasi sheegay booliska.

Booliska Hong Kong ayaa sheegay in dambiilayaashu ay sheegeen inay ka tirsan yihiin saraakiisha amniga dadweynaha, ayna baaritaan ku sameynayaan kiis dambi ah oo ka dhacay Shiinaha.

Haweeneyda ayaa loo sheegay in kaarkeeda aqoonsiga la xaday isla markaana falal dembi ah looga geystay Shiinaha gudihiisa.

Ka dibna waxaa lagu qasbay in 11 jeer ay lacag ku shubto akoon bangi intii u dhexeysay bishii sideedaad ee 2020 ilaa bisha koowaad 2021, waxaana lagu wargeliyay in lacagaahaas la baarayo.

Ilaa iyo hadda booliska waxay xireen nin da’diisu tahay 19 sano jir balse maalmo kaddib isna dammaanad ayaa lagu sii daayay.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku waramaysa in haweeneydan markii ugu horeysay lala soo xiriiray bishi August ee sannadkii hore, waxayna ku wargileyeen in ay yihiin saraakiil ka tirsan booliska Shiinaha.

Markaas ka dib ayaa raggan tuugada ah waxay haweeneydas u geyeen talefoon kaas oo ay kala soo xiriri jireen.

Dhacdadan waxaa la ogaaday markii jaariyadda guriga joogtay ay dhacdada ku wargelisay gabadha ay dhashay haweeneydaas da’da ah, waxayna u sheegtay in ay ka shakisay in howlo aan caadi ahayn ay guriga ka socdaan.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post