4245 Views

Sawiro:-Dhaq Dhaqaa Al Shabaab Oo Soobandhigay Ciidamo Katirsan Dowlada Soomaaliya

Sawiro:-Dhaq Dhaqaa Al Shabaab Oo Soobandhigay Ciidamo Katirsan Dowlada Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Kismaayo   | QOL | 20 Luulyo 2017 Taliska Booliska maamulka Galmudug ayaa Puntland ka dalbaday in ay ku soo wareejiyaan maleeshiyaad dilal ka geystay degaanka Saaxo-qurun ee gobolka Mudug.

Cabdi Jaamac Xabeeb oo ah Taliye ku xigeenka Booliska maamulka Galmudug ayaa sheegay Puntland in ay ka doonayaan maleeshiyaadka dilalka ka geystay degaanka.

Wuxuu sheegay si nidaam leh in ay Puntland uga doonayaan in ay ku soo wareejiyaan raggaasi, si looga wada shaqeeyo ammaanka gobolka, loona ilaaliyo heshiisyadii labada dhinac.

Raggan dilalka geystay ayay Galmudug sheegtay hadii gacanta lagu soo dhigo in ay horgeyn doonaan sharciga, si cadaalada loo marsiiyo, looguna qaado dambigii ay galeen ciqaabtiisa.

Maamulka Galmudug ayaa horey Puntland ugu wareejiyay maleeshiyaad dilal ka soo geystay degaanada Puntland, kuwaasi oo u soo cararay dhanka Galmudug, mid taasi la mid ah ayay hada Galmudug uga fadhidaa Puntland.

 

 

p1 p2 p3 p4 p5

 

 

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | Kismaayo 

___________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment