3042 Views

Faysal Cali Waraabe: ‘Musharixiinta qaar way iska indha tireen wada-hadaladii Soomaaliya iyo maamulka Somaliland’

Faysal Cali Waraabe: ‘Musharixiinta qaar way iska indha tireen wada-hadaladii Soomaaliya iyo maamulka Somaliland’
____________________________________________________________________________

Hargeysa | February 4, 2017 – Siyaasi Feysal Cali Waraabe oo maanta Shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland, ayaa weerarkii ugu cuslaa ku qaaday musharraxiinta u taagan xilka madaxweyninimada Soomaaliya.

DAAWO:

Mr. Waraabe, ayaa Shirkiisa jaraa’id ku sheegay, in Musharraxiinta Soomaaliya khudbadaha ay jeediyeen diiradda ku saareen sidee ay ka yeeli lahaayeen maamulka Somaliland oo muddo 25 sano gooni isaga bixiyay Soomaaliweynta kale.

Siyaasi Feysal Cali Waraabe, ayaa si gaar ah duray xubno uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya ee waqtigiisa dhammaaday, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoona ku tilmaamay in wada-hadaladii Soomaaliya iyo maamulka Somaliland uu iska indha-tiray.

Sidoo kale, Feysal ayaa farriin culus u diray Xildhibaanada Soomaaliyeed, isagoona ugu baaqay in ay doortaan hoggaamiyo fiican oo Soomaalida wax u qaban kara, maamulka Somaliland-na anfici kara, waa sida uu yidhi.

Dhinaca kale, Feysal Cali Waraabe, ayaa soo hadal qaaday wada-hadallada maamullada Somaliland iyo Khaatumo, isagoona sheegay, in markii hore ay ka jiifeen, laakiin iminka ay wax badan badali doonaan.

.

.

.

_____________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment