2067 Views

ciidanka booliska Soomaaliya oo ka hadlay dhacdo shalay ka dhacday degmada Yaaqshiid

ciidanka booliska Soomaaliya oo  ka hadlay dhacdo shalay ka dhacday degmada Yaaqshiid
____________________________________________________________________________

May 20 2021

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa ka hadlay dhacdo shalay ka dhacday degmada yaaqshiid ee gobolkan banaadir kadib markii gabar iska duubeysay muuqaal aalada loo yaqaan tiktok ay ku fakatay xabad taas oo muuqaalka iskaga duubeysa bastoolad,

Taliska Ciidanka booliska ayaana sheegay iney baaris ku hayaan kiiska gabadhaas daganeyd  degmada Yaaqshiid taas oo u geeriyootay xabad ku dhacday galinkii dambe ee shalay.

Qoraal ka soo baxay Booliska ayaa lagu yiri” Shalay oo ay taariikhdu aheyd 19/05/2021Abaaro 16:58 Galabnimo, waxaa Xarunta Hoggaanka Baarista Dembiyada la keenay meydka Marxuumad Rumaan Cabdulqaadir Maxamuud, Inna faadumo Cabdulqadir Axmed 14jir ahyd ku Dhalatay Xamar Degeneyd Degmada Yaaqshiid taasoo ay ku dhacday rasaas Bastooladeed degmada Yaaqshiid gaar ahaan Xaafada Suuq-Bacaad “.

Ehelada Marxumada ayaa u sheegay Hoggaanka Baarista Dembiyada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, in aysan jirin wax rasaas ah oo ay isku fakisay. Balse, lagu fakiyay. Sidaas daraadeed, Hoggaanka Baarista Dembiyada ayaa baaraya arrinta iyo sida ay u dhacday, natiijadana Ummadda iyo ehelkeeda ayaan la wadaagidoono” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska Booliska Soomaaliya.

Ehelada  marxuumada oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay beeniyeen in ay ku fakatay  xabada gabadhaas oo iska duubeysay aalada tiktok balse lagu fakiyey sida ay hadalka u dhigeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post