1800 Views

Khilaaf Hoose Oo U Dhexeeya Madaxweyneyaasha Somalia Iyo Kenya Oo Soo Shaac Baxay

Khilaaf Hoose Oo U Dhexeeya Madaxweyneyaasha Somalia Iyo Kenya Oo Soo Shaac Baxay
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 18, 2019–Inkastoo uu hataan Khilaaf Diplomaasiyadeed soo  kala dhex galay Dowladaha Somaalia iyo Kenya ayaa waxaa haddana isa soo taraya inay Labada Madaxweyne isku maan-dhaafeen Mustaqbalka Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo ay doorasho ku soo fool leedahay bisha August ee sannadkan.

Madaxweynaha Kenya waxa uu aad u taageersan yahay Maamulka Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, iyadoo ay Gobalkaasi ku sugan yihiin Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Dowladda Kenya waxay horey kaalin muhiim ka soo qaadatay sidii uu Axmed Madoobe ugu guuleysan lahaa  Doorashaddii Madaxtinimadda ee Jubbaland ka dhacday sannadkii 2013-kii

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Kenya bilowgii sannadkan uu Ergo ka socotay Odayaal ka soo jeeda Soomaalida-Kenyanka ah u soo diray Mdaaxweyne Farmaajo si uu uga fekero inuu Axmed Madoobe mar kale ku sii nagaado xilka Madaxweynaha Jubbaland.

Codsigii Madaxeynaha Kenya ayaa la sheegay inuu ku gacan sayray Madaxweyne Farmaajo oo Ergadii Somali-Kenyanka u sheegay inay soo xushaan Murashax kale ee lagu bedeli doono Axmed Madoobe,

Dhinaca kale, Wargeyska Nation ee ka soo baxa Nairobi oo aan Warbixintan ka soo xiganay ayaa waxa kale oo uu qoray in Xiriirka labada Waddan ee deriska ah uu xiriirkooda xumaaday bsihii Augsut ee sannadkii hore, kadib, markii ay Maamulayaasha Hay’addaha Ammaanka Kenya fureen Baaritaano ku aadan qaabka uu Fahad Yaasiin oo xilligaasi ahaa Ku-xigeenka Agaasimihii Hay’adda NISA, balse hataan ah Agaasimaha Guud ee NISA ku helay Baasabooradda Soomaaliga iyo Kenyaanka.

Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka u dhexeeya Labada Madaxweyne ee Somalia iyo Kenya ayaa soo shaac baxay, xilli ay dowladda Kenya sheegtay inay xiriirkii Diplomaasiyadeed u jartay Somalia, isla markaana ay u aragto dal ah Danaha Kenya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment