1116 Views

Maydka Marxuum Cali mahdi oo xalay ku Geeriyooday Nairobi oo lagu wado in saacadaha soo socda loo Duuliyo Muqdisho

Maydka Marxuum Cali mahdi oo xalay ku Geeriyooday Nairobi  oo lagu wado  in saacadaha soo socda loo Duuliyo Muqdisho
____________________________________________________________________________

.

muqdisho /Qol/  March 11, 2021

 Maydka Marxuum Cali mahdi Maxamed oo xalay ku Geeriyooday magaalada Nairobi  ayaa lagu wadaa in bari loo Duuliyo magaalada Muqdisho, oo lagu wado in lagu aaso.

Wararka ayaa sheegaya in ay socoto qaban qaabo ku aadan aaska Cali Mahdi oo soo noqday Madaxweynihii 4 ee soo mara Somaliya, tan iyo Markii ay dhacday Dowladii dhexe ee Soomaaliya horaantii 1991-dii.

Dowlada Waqtigeeda dhamaaday ayaa Gudi aas Qaran u sameeya Maydka Cali Mahdi Xalay magacaawday, waxaana lagu wadaa in lagu aaso magaalada Jowhar oo uu ku dhashay.

Sidoo kale Cali Mahdi Maxamed wuxuu ku dhashay tuulada cadow-uul oo ka tirsan shabeelada dhexe sanadku markuu ahaa 1938.

Kadib burburkii Dawladda Maxamed Siyaad Barre, sanadka markuu ahaa 1991, ayaa Cali Mahdi loo magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya. Muddo gaaban kadib waxaa bilowday dagaal sokeeye oo ka dhacay magaalada Muqdishu oo eey isaga hor yimaadeen qeybo raacsan Marxuum Jeneraal Maxamed Farax Caydiid kaasoo diidanaa madaxweynenimada Cali Mahdi iyo kuwo difaacay Cali Mahdi, labadaasi Qeybood oo u abaabulnaa qaab qabiil.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post