915 Views

SAWIRO:-Xarun ay dib u dhis ku sameysay Dowladda Somalia oo xariga laga jaray

SAWIRO:-Xarun ay dib u dhis ku sameysay Dowladda Somalia oo xariga laga jaray
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 08  2020–Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Qadar iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa maanta si wadajir ah xariga uga jaray fagaaraha midnimada qaranka (ex Baarlamaan) oo laga sameeyay goob dadka Muqdisho iyo dalxiisayaasha ku Nastaan.

Xaruntaan ayaa waxaa ay ku taalla agagaarka taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Baoondheere,waxaa Xarunta Ex-Baalamaan,hayeeshee dowladda Soomaaliya ay haatan ula baxday agaaraha midnimada qaranka.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khdar) ayaa sheegay in Xaruntaan ay tahay meel dadka Muqdisho ay u soo dalsiix tegi doonaan kuna nasanayaan,sidoo kale ay kamid tahay meelaha ay dib u dhiska ku sameysay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne farmaajo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) oo isna Goobta ka hadlay ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay dib u dhiska melaha muhiimka ah ee ku yaalla Muqdisho.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post