699 Views

Booliska Senegal oo xabsiga u taxaabay aabe dhalay wiil 15-jir ah oo ku dhintay badda bishii Oktoobar xilli uu u tahriibayay dhinaca Yurub.

Booliska Senegal oo  xabsiga u taxaabay aabe dhalay wiil 15-jir ah oo ku dhintay badda bishii Oktoobar xilli uu u tahriibayay dhinaca Yurub.
____________________________________________________________________________

Booliska Senegal ayaa xabsiga u taxaabay aabe dhalay wiil 15-jir ah oo ku dhintay badda bishii Oktoobar xilli uu u tahriibayay dhinaca Yurub.

Waxaana loo maleynayaa in aabahan uu nin mukhalis ahaa uu siiyay lacag dhan 450 doolar si wiilkiisa uu u gaarsiiyo Spain.

Wiilka oo la oran jiray Doudou , waxay aheyd in uu gaaro Talyaaniga halkaas oo laga geyn rabay xarun qaabilsan tababarrada kubadda cagta.

Kaddib waa uu xanuunsaday, wuxuuna ku dhintay badda, waxaana meydkiisa lagu tuuray badda.

Dadweynaha Senegal ayaa si weyn uga carooday dhacdadan, waxaana maalmihii dambe dalkaas kusoo badanayay dhacdooyinka ku saabsan dadka doonayay inay gaaraan Yurub ee naftooda ku halis gelinaya badda.

Booliska Senegal waxay sheegeen in maalmihii lasoo dhaafay ay qabteen in ka badan 1,500 qof oo u tahriibayay dhinaca Yurub.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post