993 Views

Ra’isal Wasaaraha Hindiya Narendra Modi” Cidna masoo gali karto Xadkeenna”

Ra’isal Wasaaraha Hindiya Narendra Modi” Cidna masoo gali karto Xadkeenna”
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 20, 2020–Hindiya ayaa wacad ku martay awood ciidan iney xadkeeda ku difaaceyso, kaddib marki 20 askari ay ka dileen ciidamada Shiinaha Isniinti la soo dhaafay.

Ra’isal Wasaaraha Hindiya Narendra Modi wuxuu sheegay wakhti xaadirkan iney jirin ciidama shisheeye oo ku sugan xadka Hindiya iyo dhul laga qabsaday toona.

Dalka Shiinaha qasaaraha ka soo gaaray dagaalka ciidamada Hindiya ay la galeen wax war ah kama soo bixin, tani iyo marka uu labada dal uu iska horimaadka uu ku dhex maray xadka Himalayan ee ay labada dal isku hayaan.

Labada dal oo ku hubeysan hubka Niyukilarka ayaa dalba dalka kale uu ku eedeeyey inuu xadka soo tallaabay dagaalkana uu billaabay.

Hindiya waxay sheegtay labada dalba khasaara inuu ka soo gaaray dagaalki ku dhexmaray buuraleyda Galwan ee ku yaalla Ladakh.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post