543 Views

Qoys ku indho beelay duqenta Ukraine oo aragoodii dib loogu soo celiyay

Qoys ku indho beelay duqenta Ukraine oo aragoodii dib loogu soo celiyay
____________________________________________________________________________

Isniin: April 4, 2022

“Waxaan galay jikada, waxaanna arkay bam ku soo dhacayaa daaqadeyda. Xawaare sare ayuu ku socday, waxaanna garan waayay sida ay wax u socdaan. Waxaan un arkay bamkii oo dhankeyga ku soo aaddan.”

Waxay ahayd subax, 11-kii bishii Maarso ee bariga gobolka Dnipropetrovsk Oblast, ee dalka Ukraine, xiligaas oo uu bam ku qarxay guriga Olena Selichzianowa iyo qoyskeeda.

Iyadoo ku hadleysa luuqadda Ruushka, hooyadan leh laba wiil oo mataana ah oo la kala yirahdo Nazar iyo Timur oo shan sano jir ah, ayaa waxay faahfaahin ka bixisay sida ay labadeeda wiil ugu badbaadisay haraadiga bamkaasi. Bambka ayaa ku yeeshay saameyn waxaa ayna lumisay xasuusteeda.

Hooyada iyo labadeeda wiil ayaa dhamaantood ku indho beelay haraadiga qaraxaasi oo sidookale dhaawac gaarsiiyay gacmahooda iyo wejiga. Waxaa six un u gubtay jirkooda. Olena, waxaa isha ka galay quraarad lugna way ka jabtay.

Qoyskani ayaa laga soo saaray burburka hoostiisa, waxaana la geeyay isbitaal u dhawaa xaafadooda, balse maadaama uu soo gaaray dhaawac culus, waxaa loo qaaday goob kale.

Nataliya Preys oo ah dhaqtarad ku sugan magaalada Lyiv ee Ukraine yaa lagu war geliyay dhaawaca soo gaaray qoyskan. Dr Preys ayaa sawirada dhaawaca u dirtay macalinkeedii hore ee professor Robert Rejdakoo oo ku sugan dalka Poland.

Waxaa uu dhaqtarkaasi ogaaday in sadexdoodaba ay u baahnaayeen daryeel degdeg ah, balse dagaalka Ukraine ayaa ka dhignaa in Olena iyo labadeeda wiil ee Nazar iyo Timur ay muddo isbuuc ah ku qaadaneyso inay gaaraan Poland.

“Hooyadu gebi ahaanba way indho-beeshay, ilmaheeda ma aysan u jeedin, carruurta way baahnaayeen oo way oynayeen markii ugu horeysay ee ay imaanayeen” ayuu yiri Professor Rejdak.

“Waxaan go’aansannay inaan qaliin ku sameyno hooyada. Qaliinkuna wuu adkaa sababo la xiriira dhaawaca ka soo gaaray quraaradda ka gashay mid kamid ah indhaheeda.

“Nasiib wanaag, waxaa lagu guuleystay qaliinka, Olena hadda si buuxda ayay wax u aragtaa, ugu yaraan way arki kartaa wiilasheeda”, ayuu yiri dhaqtarka.

Hannaanka caafimaad ee wiilasha yar ayaa muddo qaadan doona. Nazar waa uu indho beelay, balse weli waa lala tacaalayaa.

Dagaalka kahor, Olena waxay cuno ka karin jirtay dugsi ku yaalla Ukraine. Waxaa ay sheegtay inaysan dib ugu laaban doonin halkaasi oo ay Poland joogi doonto maadaama gurigeedii la burburiyay.

Professor Rejdak ayaa kamid ah dadka qoyskani u raadinaya meel ay ku noolaadaan. Olena mar hadii xaalaadeedu soo roonaato, waxay rajeyneysaa inay shaqo heli doonto.

Hadii daad gureyntu sahlanaan weydo, Rejdak waxaa uu ku taalinayaa in dhaqaatiirta magaalada Lviv ay sii wadaan daaweynta. Dawooyin ayaa sidookale loo diray Ukrine maadaama dad hor leh uu dhaawac ka soo gaarayo dagaalka Ukraine.

Professor Rejdak iyo kooxdiisa ayaa maalmaha soo socda mar kale la tacaali doona wiilashaasi mataanaha ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post