3807 Views

“Dadka qaba dhaawacyada halista dalka dibadiisa ayaa loo qaadayaa”

“Dadka qaba dhaawacyada halista dalka dibadiisa ayaa loo qaadayaa”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 31, 2016: Maxamed Xaaji Cabdinuur (Madeer), Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in dalka dibadiisa loo qaaday dadka dhaawacyadooda halista yihiin ee ku waxyeeloobay qaraxii cuslaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotelka SYL.

Wasiirka Caafimaadka ayaa bogaadiyay howsha dhaqaatiirta Soomaaliyeed iyo dadaalka ay u galeen bad baadinta dadkii shalay ku dhaawacmay qaraxii dhacay.

“Dadka dhaawacyada halista ah ee dalka gudihiisa waxba looga qaban karin waxaa isku dayaynaa in dalka dibadiisa loo qaado, wixii awooda dowladda ahna ee gargaarka dadkaas ma hagran doono”ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in si deg deg ah dadka dhaawacyadooda halista yihiin dalka dibadiisa loogu qaadi doono.

Qaraxii xoogganaa ee shalay ka dhacay banaanka Hotelka SYL ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhow 30-ruux, halka tiro intaa ka badan ku dhaawacmeen, waxaana uu ka mid ahaa qaraxyadii ugu xooganaa ee soo mara Muqdisho iyo agagaarkeeda.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment