3612 Views

Sidee looga falceliyay Xayiraadii la saaray Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif?

Sidee looga falceliyay Xayiraadii la saaray Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 23-2019 —Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh. Axmed diyaarad uu la socday una socotay Magaalada Kismaayo ayaa la hakiyay. Tan iyo waqtigaas waxaa siyaabo kala duwan uga fal celiyay, Siyaasiyiin, Masuuliyiin hore, Xildhibaano, iyo Dad Taxliiliya Siyaasadda Soomaaliya.

 

Dhammaan waxa ay ka sinnaayeen, dhaleeceynta sababtii ka dambeysay in uu Baaqdo Safarka Shariif ee Kismaayo.

 

Ujeedkiisu waxa uu ahaa ka qeybgalka Caleemasaarka Madaxdaynaha dhawaan dib loo doortay ee Jubaland Axmed Madoobe.

Dadkii sida kulul uga hadlay waxaa ka mid ahaa Xil.Axmed Macallin Fiqi waxaana uu yiri “Haddii Xamar isu-socodkii gudihiisa jidgooyooyin lagu xannibay, in madaxdii hore Diyaarad uga baxaana Isbaaro loo dhigtay, wadada kaliya oo furan waa in shacab iyo madaxba banaanka loo soo baxaa (banaanbax nabadeed) si loo muujiyo diidmada habdhaqankaas kalitaliska ah.

Xil.Mahad Salaad ayaa isna soo qoray “Maanta in uu jidadka ka xirto madaxdii xukunka ku wareejiyay, diyaaradahana kala dago. Dowladnimadii shalay sida nabadgelyada iyo dimuquraadiyada ah ay ugu wareejiyeena in loogu xoog sheegto!

Mar kale ayaan idin leeyahay waxa soo socda ayaa ka xanuun badan ee talo halaga yeesho!,.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sh ayaa si adag uga hadlay isagana mar uu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray Qormo ku qorneyd Af Ingiriis waxaana uu ku sheegay in Soomaaliya ay muddo 30 sano ah sugeysay inay gacanta ku dhigto maamulka Hawadeeda.

“Waa xaalad murugo leh in dowladdu u isticmaasho maareynta hawada sidii hub siyaasadeed oo saameyn culus ku yeelan kara xasilloonida siyaasadeed iyo midnimada dalka”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh ayaa kula taliyay dowladda Federaalka inay labo jeer ka fikirto, kana laabato dariiqa hadda wax loo wado.”

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si kulul uga hadlay Xayiraadii shalay Garoonka Muqdisho loogu geystay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

“Waxaan si xooggan u cambaareynayaa xayiraadda safar ee loo geystay madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmad, wafdigiisa iyo shacabkii maanta Kismaayo u dhoofayey. Sheekh Shariif wuxuu halgankiisa siyaasadeed ka soo billawday soo deynta wiil ardaydiisa ka mid ah oo xorriyaddiisa laga qaaday, maantana waxay joogtaa in isaga xorriyadda socodka laga qaado”

Maamulada Jubaland iyo Puntland ayaa dhankooda si adag uga hadlay xayiraadii la saaray Madaxweyne Shariif, iyaga oo sheegay in ay tahay caburin iyo qaab ku cusub saaxada siyaasadda Soomaaliya.

 

Waxaa xusid mudan in xalay Hoyga uu Mogadisho ka degan yahay Sh.Shariif uu ku qaabilay masuuliyiin dhowr ah oo is ugu jira, kuwa hore iyo kuwa hadda ka tirsan dowladda waxaana lasoo wariyay in ay ka wadahadleen Sidi ay ku dhacday Falkii lagu hakiyay Safarka Shariifka ee Kismaayo.

 

Wasiirka Amniga ee XS Maxamed Abukar Islow Ducaale ayey wararku sheegayaan in si dhaw uu ula hadlay Shriif Sh.Axmed waxaana uu ka codsaday in uusan Warbaahinta la had in wixi dhacayna ay ahaayeen Khalad dhacay lana baarayo Cida bixisay Amarka lagu joojiyay Diyaaradii uu la socday.

Warar hoose oo la helayo ayaa sheegaya in Shariif uu ku kacan seeray dalabka Xukuumada waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu dalbaday Raali galin bixiso dowladda dhacdadii shalay, Iyadoona Wasiir Ducaale uu sheegay in dib uu ugala laabanayo arrintaas madaxda sare ee Dowladda.

Ugu dambeyn Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa War kasoo saaray Xayiraadii shalay Garoonka Aadan Cadde loogu geystay Shariif waxaana Xukuumadda Soomaaliya uu uga digay in ay sii waddo Go’doominta iyo faragalinta ay ku heyso maamulada.

 

War kasoo baxay xisbiga ayaa lagu sheegay in falkii ay  ku kacday dowladda Farmaajo uu Hoggaaminaayo in uu ahaa mid xadgudub ku ah xuquuqda isu-socodka ee dastuurka Soomaaliya uu siinayo muwaadiniinta.

 

Xisbiga ayaa sheegay in tilaabo xun ay ka dhalan karto Awoodda dowlada dhexe ee Soomaaliya ay u adeegsanayso Muwaadiniinta hadii aysan ka fiirsan.

 

Xisbiga Himilo Qaran ayaa madaxda dowladda ugu baaqay inay ka waantoobaan ku tumashada sharciga dalka, ku xadgudubka xuquuqda muwaadinka iyo caburinta joogtada ah oo ay caadeysteen.

 

Xisbiga ayaa Xusay in tilaabadda ku haboon ay ka bixin doonaan Xayiraadii shalay la saaray Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment