1056 Views

RW Rooble oo ku baaqay in gurmad degdeg ah lala gaaro dadka abaarta saameysay

____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehlinayeen Xubnaha Guddiga gurmadka abaaraha ee uu magacaabay ayaa Maanta kulan looga hadlayay arrimaha abaaraha la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray arrimo ku saabsan abaaraha saameeyay dadka iyo duunyada kunool qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya, iyada oo Warbixin la xiriirta abaaraha la siiyay Wakiilada Beesha Caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadal ka jeediyay shirka ayaa sheegay in dalka ay kajirto xaalad abaareed oo ka sii dareysa, isla markaana ay tahay middi ugu darneyd ee dalka ka dhacda tan iyo wixii ka dambeeyay sanadkii 2011kii.

Sabaha abaarta ee xilligaan kordhiyay ayuu ku sheegay Ra’iisul Wasaaraha inay tahay Saddex xilli roobaad oo is xig xiga oo baaqday taas oo keentay in Xoolihii iyo beerihii ay ba’aan, isla markaana ay abaartu saameeysay in ka badan  6.9 Milyan, sidoo kalena ku dhawaad Nus miyan qof ay abaar darted uga barakaeen degaano kamid ah, Galmudug, Jubbaland, iyo Koonfur Galbeed.

“ Dadka waxaa ka dhamaaday xoolihii beerihiina warkooda day, waxaa siwyen u yaraaday beerihii Ceelaha, waxaana deegaannada qaar laga soo wariyanaa meelaha qaar dad u dhintay Biyo l’aan, hadii sidaan lagu sii socdana ay macluul soo wajihi doonto dad badan Soomaali ah ayuu yiri” Ra’iisul Wasaaraha.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post