888 Views

Dagaal ka dhacay Sudan una dhexeeyay qabaa’ilka carabta iyo kuwa aan carabta ahayn

Dagaal ka dhacay Sudan una  dhexeeyay qabaa’ilka carabta iyo kuwa aan carabta ahayn
____________________________________________________________________________

June 8 2021

Ugu yaraan 36 qof ayaa ladilay tobanaan kalena waa la dhaawacay ka dib iska hor-imaad u dhexeeyay qabaa’ilka carabta iyo kuwa aan carabta ahayn ee magaalada Darfur ee wadanka Suudaan.

Goobjoogeyaal ayaa sheegaya in dagaalka uu qarxay sabtidii,  isagoona u dhaxeeyay Arabsiyo Taisha iyo qabaa’illada Afrikaanka ku waasi oo daga Koonfurta magaalada Darfur.

Lama oga ilaa iyo hada waxa dhaliyay isku dhaca laakiin dagaalka la midka ah ayaa inta badan ka ka dhaca gobolka Darfur, kaasi oo salka ku haya dhul iyo biyaha.

Rabshadaha ayaa yimid iyada oo Suudaan ay marayso marxalad kala guur ah ka dib markii la riday madaxweynihii muddada dheer Cumar Al-Bashiir bishii Abriil 2019, ka dib dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeeday xukunkiisa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post