1053 Views

Ruushka oo sheegay in ciidankiisu ay qabsadeen dhammaan hareeraha magaalada go’doonsan ee Mariupo

Ruushka oo  sheegay in ciidankiisu ay qabsadeen dhammaan hareeraha magaalada go’doonsan ee Mariupo
____________________________________________________________________________

Axad:: April 17, 2022

Ruushka ayaa sheegay in ciidankiisu ay qabsadeen dhammaan hareeraha magaalada go’doonsan ee Mariupo,l isla markaana ay ciidanka Ukraine hadda ku hareen qeyb yar oo ka mid ah gudaha magaalada.

Sheegashada Moscow ee ah in ay qarka u saaranyihiin qabashada magaalad xeebeedka koofureed ee Mariupol ayaanay jirin ilo madax-bannaan oo xaqiijiyay, laakin haddii ay dhabowdo ayay noqon doontaa, magaaladi ugu muhiimsaneyd ee uu Ruushka ka qabsado Ukraine tan iyo inti uu billowday dagaalka 24-ki bishi Febrayo.

Madaxweynaha Ukraine, Volodomir Zelenzky ayaa ka digay in wadahadalka labada dhinac ay dhammaan doonaan, haddii Ruushka uu laayo ciidanka Ukraine ee ka dagaallamaya magaalada Muriupol.

Modcow ayaa u qabatay in ciidankaasi ay isku soo dhiibaan ilaa Axadda maanta ah si ay u nabad-geliyaan.

Dhanka kale, Ruushka ayaa Sabtidi si xoog leh u duqeeyay magaalada caasimadda ah ee Kiyiv, ma jirto ilaa iyo hadda faah-faahinta khasaaraha ka dhashay duqeymahaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post