663 Views

Kulan gaar ah oo u socdo Madaxda dowlad Goboleedyada

Kulan gaar ah oo u socdo Madaxda dowlad Goboleedyada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 06, 2021Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada ku sugan  Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay haatan leeyihiin kulan gar ah oo ay uga hadlayaan arrimo dhowr ah.

Madaxweynayasha, Jubbaland, Puntland, Hir-Shabeelle, Galmudug  & koonfur Galbeed ayaa kulankooda waxaa ay yga arrinsanayaan xaalada dalka, maadaama uu natiijo la’aan ku dhamaaday kulankii ka dhacay Magaalada Dhuusamareb.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegay in Madaxda dowlad Goboleedyada ay si aad ah uga hadlayaan sida laga yeelayo xaalada dalka maadaama aan weli heshiis laga gaarin arrimaha doorashooyinka dalka.

In ka badan Saddex Cisho ayaa waxaa Magaalada Dhuusamareeb uu kulan uga socday Madaxweyne Farmaajo oo uu wehlinayay Ra’iisul Wasaare Roobl, Madaxda dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir balse kulankaas aan wax natiijo ah kasoo bixin.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post