510 Views

Koox hubeysan oo Isbitaalka Keysaney ku dilay Wiil dhalinyaro ah

Koox hubeysan oo  Isbitaalka Keysaney  ku dilay Wiil dhalinyaro ah
____________________________________________________________________________


khamiis: November 11, 2021

 Koox hubeysan ayaa habeenkii xalay aheyd agagaarka Isbitaalka Keysaney ee waqooyiga Magaalada Muqdisho ku dilay Wiil dhalinyaro ah iyo Darawal la sheegay inuu wadi ka ahaan jiray gaari nuuca qashinka lagu qaado

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in rag hubeysan ay toogasho ku dileen Wiilka dhalinyarada ahaa iyo Darawalka, xili ay ku sugnaayeen meel ku dhow Isbitaalka Keysaney, iyagoo u geeriyooday rasaas lagu furay.

Goobta uu falku ka dhacay ayaa waxaa daqiiqado kadib tegay xubno ka tirsan qoysaska labada ruux ee la dilay, isla markaana halkaas ka qaaday Meydadka, waxaana halkaas isaga baxsaday raggii ka dambeeyay falkaas dhacay..

Lama oga sababta keentay dilka xalay ka dhacay agagaarka Isbitaalka Keysaney ee waqooyiga Magaalada Muqdisho, hayeeshee dilkaas ayaa kamid noqonaya falal hore uga dhacay Muqdisho oo loo geystay dad shacab ahaa..

Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto Mas’uuliyiin, Askar Ciidan iyo dad shacab ah, waxaana inta badan falalkaas fuliya rag dhalinyaro oo ku hubeysan Bastoolado.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post