252 Views

Xildhibaan Sacdiyo “Xuquuqda haweenka inaan u doodo mar dhow ayaan bilaabay Muqdisho ma sii joogi doonin hadii sharcigaas la ansixi waayo.

Xildhibaan Sacdiyo   “Xuquuqda haweenka inaan u doodo mar dhow ayaan bilaabay  Muqdisho ma sii joogi doonin hadii sharcigaas la ansixi waayo.
____________________________________________________________________________

Sabti: NOVEMBER 26, 2022

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa maanta weerar afka ah ku qaaday qaar ka mid ah culumada Soomaaliyeed, xilli ay ka qeyb gashay kulan looga arrinsanayey dhowridda xuquuqda haweenka.

Xildhibaan Sacdiyo ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay la kulmaan xadgudubyo joogto ah, isla markaana ay intaas u dheertahay weerar iyo hanjabaado ay kala kulmaan culumo intooda badan dibadda jooga.

“Waxaa jira kuwo culumo isku sheeg ah oo si joogto ah noogu hanjaba, walaahi iima dhaara kartid adigoo dal kale magan geliyo ku jooga, Al-Shabaab ayaad garab joogtaan, waana iska kiin dhici doonaa, culumo isku sheeg ayaa tihiin,” ayey tiri Xildhibaan Sacdiyo.

Xildhibaan Sacdiyo ayaa wacad ku martay in Muqdisho ay ka tegi doonto, hadii ay ku guul dareysato in baarlamaanka Soomaaliya uu meel mariyo sharciga jinsiga, kaas oo difaaci doona gabadhii lagu sameeyo xad-gudub.

https://3ead7d4436b02d159d55445df8181de6.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html “Xuquuqda haweenka inaan u doodo mar dhow ayaan bilaabay, waana shameystirayaa, waxaan ilaahey hortiis ka balan-qaadayaa in Muqdisho aana sii joogi doonin hadii sharcigaas la ansixi waayo,” ayey hadalkeeda ku sii dartay xildhibaan Sacdiyo.

Waxay sheegtay in xilligaan haweenka Soomaaliyeed ay awood badan ku dhex leeyihiin dowladda, iyagoo taas ka duulayana ay xuquuqdooda dhacsa doonaan, “Anigu waxaan dacwo ka ahay niman badan oo dibadda jooga, iima dhaara karaan, iyadoo safaaradiinu ay Muqdisho ku taallo,” ayey tiri Sacdiyo Yaasiin Samatar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post