765 Views

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Malawi oo khamiistii isku toogtay gudaha baarlamaanka

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Malawi oo  khamiistii isku toogtay gudaha baarlamaanka
____________________________________________________________________________


Jimco: October 1, 2021

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Malawi ayaa khamiistii isku toogtay gudaha baarlamaanka, halkaas oo uu kaga qeybgalayay kulanka xildhibaannada, sida uu sheegay baarlamaanka dalkaasi.

Clement Chiwaya, oo 50 sano jir ahaa, ayaa isku dhex dilay xarunta baarlamaanka. Intuusan is dilin ka hor wuxuu ka qeybgalay kulan looga hadlayay faa’iidooyinka gaadiidka ee uu xaqa u leeyahaa, xildhibaan ahaan, markii uu xafiiska ka tagayay sannaddii 2019.

Afhayeenka booliiska, James Kadadzera, ayaa xaqiijiyay dhacdadaas, laakiin wuxuu diiday inuu faahfaahin ka bixiyo illaa uu warbixin buuxda ka helayo baarayaasha kiiska.

Baarlamaanka “wuxuu ka qoomameynayaa inuu shacabka ku wargeliyo in guddoomiye ku-xigeenkii hore uu isku dhex dilay xarunta baarlamaanka,” ayaa lagu yiri bayan ka soo baxay Baarlamaanka Malawi.

Waxaa sidoo kale bayaanka lagu sheegay in arrintaas ay la xiriirto “niyad-jab uu ka qaaday in la fulin waayay waxyaabihii uu dalbanayay.”

Chiwaya wuxuu iibsaday gaarigiisii, dhammaadkii shantii sannadood ee uu xilka hayey ee sannadka 2019, sida ku cad qandaraaska.

Wuxuu isku dayay inuu baarlamaanka bixiyo qarashkii ku baxay shil uu gaarigiisa galay lix bilood ka dib.

Xigasho  

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post