750 Views

Dagaal kooban oo dhex maray ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa Galmudug

Dagaal kooban oo dhex maray  ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa Galmudug
____________________________________________________________________________



Khamiis : September 30, 2021

Wararka ka imaanaya magalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Is-rasaasayn goosgoos ah oo u dhaxeysa ciidamada Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo kuwa maamulka Galmudug aya  ka dhacday degaanka Bohol oo waqooyi ka xigta magaalada Dhuusamareb ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in  ciidamada ay weli halkaas isku horfadhiyaan, islamarkaana ay xiisadda kacsan tahay.

Sidoo kale arintaan ayaa la aaminsanaa in ay imaanayso Xili malmihii la soo dhaafay ciidamada Ahlu-Sunna ay toddobaadyadii tegay dib isugu urursanayeen deegaano ka mid ah gobolka Galgaduud.

Hoggaamiyayaasha Ahlu-Sunna Macallin Maxamuud iyo Sheekh Maxamed Shaakir ayaa toddobaad kahor dib ugu laabtay gobolka kadib in ka badan sanad iyo bar oo ay ka maqanaayeen, taasi oo ka dambeysay markii looga adkaaday dagaal ka dhacay Dhuusomareeb.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post