1071 Views

Ergay ka socda Dowlada Qatar oo la filayo inuu toddobaadka dambe booqasho ku yimaado Soomaaliya.

Ergay  ka socda  Dowlada Qatar oo la filayo inuu toddobaadka dambe booqasho ku yimaado Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

April 30-2021

Ergay gaar ah oo ka socda dalka Qatar ayaa la filayaa inuu toddobaadka dambe booqasho ku yimaado Soomaaliya.

Ergaygan gaarka ah ayaa lagu magacaabaa Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani waxaana uu ku magacaaban yahay ergayga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar u qaabilsan La Dagaalanka Argagixisada iyo Dhexdhexaadinta Khilaafyada.

Ergaygan ayaa imanaya magaalada Muqdishu, mana cadda muddada uu joogi doono.

Ilo lagu kalsoon yahay oo codsaday inaan magacooda la shaacin sababtoo ah looma oggola inay warbaahinta la hadlaan ayaa u sheegay VOA in ergaygan uu kasoo qaybqaatay dhexdhexaadintii Taliban iyo Maraykanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post