267 Views

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo xarigga ka jaraya Akadeemiyada AGA.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo xarigga ka jaraya Akadeemiyada AGA.
____________________________________________________________________________

Khamiis: 29 December 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dhiggiisa Jabuuti MD Ismaaciil Cumar Geelle ayaa saaka lagu wadaa in ay si wadajir ah xarigga uga jaraan Xarunta dhexe ee Akaademiyadda Af-Soomaaliga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu Khudbad ka jeediyo Fadhiga golaha Baarlamaanka JFS.

Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Ismaaciil Cumar Geelle oo ay wehelinayaan Wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan Labada dal ayaa shalay yeeshay wada-xaajoodyo ku saabsan xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti, qiimeynta hannaanka iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post