498 Views

Galmudug iyo Puntland oo Heshiis ku dhexmaray Magaalada Gaalkacyo

Galmudug iyo Puntland oo Heshiis ku dhexmaray Magaalada Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Talaado: April 12, 2022

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug ee Galmudug Maxamed Xasan Waloore ayaa ka qeyb galay kulan ay maamulada Galmudug iyo Puntland heshiis horudhac ah uga gaareen dilal horey uga dhacay Gaalkacyo.

Kulanka dib u heshiisiinta waxaa kaloo ka qeyb galay Wasiiro Ka tirsan Galmudug iyo Puntland , Maamulada Gobalka iyo Degmada ee labada dhinac iyo odayaasha dhaqanka, Masuuliyiinta iyo Waxgaradka reer puntland ay kulanka ku bixiyeen lacago isugu jira duug iyo rafiso oo la siiyay dadkii dhibku gaaray.

Dhowr jeer ayaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaa ka dhacay dilal la xiriray aanooyin qbaiil, kuwaas oo intooda badan ay xal ka gaareen labada Maamul ee Galmudug & Puntland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post