852 Views

Wasiirka Cadaaladda oo la kulmay Wafdi ka socda Hay’adaha USAID & PACT

Wasiirka Cadaaladda oo la kulmay Wafdi ka socda Hay’adaha USAID & PACT
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December  03- 2019–Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Xukuumadda Soomaliya Xasan Xuseen Xaaji oo ay wehliyaan howl wadeeno ka tirsan Wasaaradda ayaa kulan la qaatay xubno ka socday Hey’addaha USAID iyo PACT,

 

Kulanka ayaa looga hadlay sidii garsoorka dalka sara loogu qaadi lahaay gaar ahaan adeegyadda:- Habka Xallinta Khilaafka ADR, Kaalma Sharciyeedka iyo sidii kor loogu qaadi lahaay aqoonta dhinaca sharciga.

 

 

 

Dhamaan qodobadii ay kulanka uga wada hadleen ayaa la sheegay inay  si buuxda la isugu afgarteem,sida lagu sheegay War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horay u sheegay in dowladda Soomaaliya ay dib u habeyn ballaaran ku sameyn doonto Garsoorka dalka,waxaama horay loo bedelay xubno kamid ahaa Garsoorka Soomaaliya.

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment