993 Views

Baaqyo lagu joojinayo dagaalka ka socda Mariupol

Baaqyo lagu joojinayo dagaalka ka socda Mariupol
____________________________________________________________________________


Axad: April 24, 2022

Qaramada Midoobay iyo Laanqayrta Cas ayaa labaduba ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, si dadku ay fursad ugu helaan inay ka baxsadaan magaalada dekedda ah ee Mariupol, sida lagu sheegay bayaan ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

100,000 oo qof ayaa lagu qiyaasaa inay ku xayiran yihiin magaalada, taasoo ku dhawaad ​​gabi ahaanba ay la wareegeen ciidamada Ruushka.

Laanqayrta Cas waxay bayaanka ku sheegtay inay aad uga naxsan tahay waxa ka socda Mariupol, iyadoo dalbanaysa in si deg deg ah loo soo gaaro dadka rayidka ah ee halkaasi ku sugan.

Dhanka kale, madaxweynaha waddanka Ukraine, Volodymyr Zelenesky, ayaa markale ku adkaystay in Kyiv ay isaga bixi doonto wadahadallada ay kula jirto Moscow haddii la laayo ciidamadiisa iyo dadkiisa rayidka ah ee ku xayiran magaalada Mariupol.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post