1371 Views

Dhalooyin Qamri oo lagu burburiyay Gobolka Mudug

Dhalooyin Qamri oo lagu burburiyay Gobolka Mudug
____________________________________________________________________________


isniin: February 7, 2022

Kudhawaad kun dhalo oo ah Qamri noocyo badan isugu jira, laguna soo qabtay howlgallada ciidamada amniga Gobalka Mudug ayaa lagu burburiyay meel fagaare ah

Sagaal boqal sodan iyo sadax dhalo qamri ah isla markaana isugu jiray noocya kala duwan ayaa maanta lagu bur buriyay meel fagaaraa, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiinta maamulka Gobalka Mudug ee Puntland , saraakiisha laamaha amiga heer Gobal iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caddaaladda Puntland ilyaas Cabdi Maxamed.

Madasha lagu bur buriyay maandooriyaha ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Mudug ee Puntland Gaashanle Sare Muumin Cabdi Shire ayaa xusay in ciidamadu ay dadaal u galeen in gacanta lagu soo dhig Qamriga iyo sida ay uga go’an tahay soo afjaridda shabakadaha ka shaqeeya ka gaacsiga maandooriyaha

Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare Guddoomiyaha Gobalka Mudug ee Puntland ayaa digniin u diray cid kasta oo ku lug leh ka ganacsiga sharci daradaa ee Maandooriyaha.

Ugu danbeeyn Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caddaaladda ee Puntland ilyaas Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Caddaaladda la marsiin doono kuwii horay loo soo qabtay iyo cid kasta oo lagu soo qabto, iyadoo ku howlan cabista iyo ka ganacsiga Maandooriyayaashaa

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post